|
Mogdishu,(insidesomalia.org)-Dadbadan oo kabaxasanaya waxyeelada uu geysan karo Dagaalka kasoda Magaalada Mogdishu ayaa Beriyihii ugu danbeeyey kaqaxay Magaalada aygoo aadey Magaalooyinka kale oo aysan garaneynin.
Dadkaasi oo ubadan Caruur iyo Dumar ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay xaaladooda nolaleed ay khatar ku jirto oo aysan haysanin Hooy ay roobka kagalaan iyo Cunto ay cunaan.
Warqad Qoraal ah oo uu soo diray isku duwaha arimaha Deegaanka iyo bani aadanimada Q.M ee Somalia oo uu kaga jawaabayay Barakaca baahsan ee Muqdisho ka dhacay ayaa sheegay in dadka ka barakacay caasimada ay dhibaato ku haysato deegaanADA ay u barakaceen.
Waxa uu sheegay in Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Caasimada ay ku dhaawacmeen ilaa 100 Ruux isgoo tilmaamay in ilaa Bishi Janaury ay Magaalada ku Dhaawacmeen ilaa 3,400 oo Ruux.
Si kastaba ha,ahaatee hadalka sarkaalkan Q.M ka tirsan ayaa ku soo beegmaya xilli walaac daran laga muujinayo nolosha adag oo Soo wajahdey Dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho.
Dadka todobaadyadan dagaalada ay kasoo cusboonaaden caasimada ayaa waxaa lagu qiyaasayaa 90.000 oo Rux oo ubadan Dad danyer ah oo aan meelo fugfug gaari Karin mana jirto ilaa hada cid gar gaar Bani aadnimo soo gaarsiisey Dadkan dhibaatada haysato
|